1/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 7 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 19 ka mid ah dagaalyahanada Shabaab lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Muryaale
 

Jimco, October, 7, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya dagaalo culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray Tuulada Muryaale oo u dhaxeysa deegaanka Basra iyo degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdikaamil Shukri Macalin ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku dileen dagaalka ka dhacay Tuulada Muryaale 19 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo uu sheegay iney halkaasi isku aruursanayeen.

"Ciidanka Dowladda ayaa 19 dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab ku dilay Tuulada Muryaale oo u dhaxaysa Basra iyo Balcad, kadib markii maleeshiyaad Argagixiso ah ay xalay isku soo aruursadeen tuuladaas, Ciidamada oo helay xogta Argagixisada ayaa waday roondo xiliga uu dagaalku dhacay, waxaana ciidamadu ay wali ku raad joogaan firxadka Argagixisada" ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macalin.

Si kastaba ha ahaatee Afhayeenka Wasaaradda Amniga muusan sheegin in khasaare uu dhankooda kasoo gaaray dagaalka ka dhacay Muryaale, waxaase wararka soo baxaya ay sheegayaan inuu jiro khasaare soo gaaray dhanka ciidanka dowladda, islamarkaana uu dhaawacmay Taliyaha Nabadsugida degmada Kaxda ee gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Xasan Fanax iyo Askar kale oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe howlgalo culus ka waday inta u dhaxeysa Balcad iyo Basra, waxaana Jimcihii lasoo dhaafay qarax ka dhacay degaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay Allah u naxariistee Taliyihii ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan Qaroole.