Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirweynaha maalgashiga Soomaaliya
Isniin, November, 28, 2022 (HOL) - Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay
shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamuud ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda
ee ku aaddan xaqiijinta Soomaaliya ku habboon maalgashi, taas oo uu sheegay in ay
aas-aas u tahay dabar-goynta argagixisada, horumarinta shuruucda iyo
dowladnimada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka mid noqoshada suuqyada iyo
ururrada caalamiga ah ee ganacsiga.
Madaxweynaha ayaa xusay in dalka laga cirib tiri doono argagixisada,
dalka Soomaaliyana ay ka jirto fursado maalgashi oo ballaaran.
“In kastoo aan halkan u imid si aan u dhiirri-geliyo
maalgashiga dalkayga, haddana waa garowsanahay caqabadaha nagu xeeran oo ay ugu
horreyso argagixisada, abaaraha, hannaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u baahan
iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, haddana dhammaan arrimahaas waxaa barbar
socda dadaallo aan ku xallinayno iyo fursado ballaaran oo ka jira dalka.”
Madaxweyne Maxamuud ayaa dul istaagay kobaca gancsiga iyo
mashaariicda guuleystay ee ay fuliyeen dhallinyarada iyo maalgashadeyaasha
Soomaaliyeed, isagoo ku bogaadiyey ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed
sida ay hantidooda ugu soo celiyeen dalkooda, door muuqdana uga qaadanayaan
horumarka.
Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]