4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 25, 2022
15 katirsan Alshabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday gobolka Shabeellada hoose
 

Jimco, November, 25, 2022 (HOL) - Inta la ogyahay 15 xubnood oo ka tirsan tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan iyo duqayn cirka ah oo laga fuliyay deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xubnaha la laayay ee Alshabaab ay kamid ahaayeen firxadkii ka bad baaday howlgal 23-kii bishaan laga fuliyay deegaankaan kaas oo lagu dilay 49 Shabaab ah.

Ciidanka gaarka ah ee hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa burburiyay gaadiid ay ku baxsanayeen Alshabaab iyo hubkii ay wateen.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in si wayn Alshabaab loogu jabiyay dagaal saakay ka dhacay deegaanka Qaayib ee gobalka Galgaduud, ka dib markii Alshabaab ay soo weerareen deegaankaas.

Sida ay dowladdu sheegtay waxaa deegaanka Qaayib haatan gacanta ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, iyadoo lagu sii daba jiro firxadka Alshabaab.