11/27/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 22, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya Siyaasi caan ah oo Xalay lagu dilay magaalada Muqdisho
 

Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil  Xalay kooxo hubeysan ugu geysteen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir mid ka mid ah siyaasiyiin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Sabriye oo loo yaqaanay Guuleyste.

Dilka Marxuum Guuleyste ayaa la sheegay iney geysteen rag bastoolado ku hubeysna xili uu Marxuumka ku sugna Waaxda Timacade ee degmada Wadajir, iyadoo dableyda dilka geysatayna ay si deg deg ah uga baxsadeen goobta.

Dilka Siyaasi Guuleysta kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo halkaasi baaritaano kooban ka sameeyay, hayeeshe lama sheegin wax natiijo ah oo kasoo baxay baaritaankooda.

Allah u naxariiste Marxuum Maxamed Xuseen Sabriye Guuleyste ayaa ka mid ahaa Musharaxintii u tartamay kursiga sumadisu yahay Hop 33, kaasoo uu haatan ku fadhiyo Xildhibaamln Yuusuf Kabaale.

Si kastaba ha ahaatee dilka Marxuumkaan ayaa imaanaya, iyadoo maalmihii u dambeeyey magaalada Muqdisho ay kuso kordhayeen dilalka qorsheysan ee loo geysanayo qaar ka mid ah dadka ka dhex muuqada bulshada reer Muqdisho.












Click here
11/22/2022 1:25 PM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Cadow Uul oo ka mid ah deegaanadda hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in galinkii dambe ee Maanta halkaasi lagu dilay Nabadoon Mukhtaar Axmed Maxamed.

11/22/2022 10:12 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Xulka Qaranka Sacuudi Carabiya ayaa Maanta muujisay wacdaraha Koobka kubadda Cagta Aduunka oo haatan ka socda wadanka Qatar, kadib guul taariiqi ah oo Maanta Caalamka oo idil laga hadal haayo oo ay ka gaareen Xulka Qaranka Argentina.

11/22/2022 9:22 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Wararka haatan naga soo gaaraya deegaanka Ceeldheere oo ku yaala xaduuda ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in daqiiqado kooban ka hor uu halkaasi ka bilawday dagaal aad xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo Ururka Al-shabaab.

11/22/2022 5:22 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Deynuunaay oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in Maanta uu halkaasi dagaal culus ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo dhinac iyo kuwa Al-shabaab.

11/22/2022 5:14 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Hanti dhowraha guud ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo saaray warbixin sannadle ah oo ku saabsan daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka maaliyadeed ee hay’addaha dowladda.

11/22/2022 4:38 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Dagaal sababay dhimashada 3 askari iyo ugu yaraan dhaawaca 8 kale, ayaa degmada Buuhoodle ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Puntland.

11/22/2022 1:21 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Nin hubeysan oo katirsan Alshabaab oo gudaha u galay xero ciidan, ayaa dilay ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.

11/22/2022 1:14 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Madaxda TPLF ayaa mar kale ka dhawaajiyay inaysan Ciidamadoodu hubka dhigayn ilaa dammaanad buuxda oo dhinaca ammaankooda ay ka helayaan shacabka gobolka Tigray ee ay iyagu maamulaan.