1/27/2025
Today from Hiiraan Online: Somalia’s health minister criticizes Macawiisleey envoy over...
Wararka Maanta- Sabti, Nov 12, 2022
Dowladda Soomaaliya oo digniin culus kasoo saartay qaraxyo waa weyn oo ka dhici kara magaalooyinka ka tirsan gobolka Hiiraan
 

Sabti, November, 12, 2022 (HOL) - Taliye ku xigeenka qeybta Booliiska gobolka Banaadir Gaashaanle sare Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa Maanta soo saaray digniino culus oo la xariira qaraxyo waa weyn oo uu sheegay in kooxda Al-shabaab la damacsan tahay iney ka fuliso magaalooyin ka mid ah gobolka Hiiraan.

Gaashaanle sare Cali Dhuux ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegayo in Al-shabaab ay qorsheysay qaraxyo waa weyn oo ay doonayaan iney ka geystaan magaaloyinka kala ah Baledweyne, Jalalaqsi iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Taliye ku xigeenka qeybta Booliiska gobolka Banaadir ayaa qoraalkiisa ku faray laamaha amaanka gobolka Hiiraan iney muujiyaan foojignaan dheeraad ah, si ay uga hortagaan qaraxyada uu tilmaamay ineu qorsheynayaan Al-shabaab oo uu si gaar ah u xusay in todobaadkan gudahiisa ay dhici karaan qaraxydaaasi.

"Dhammaan dadweynaha somaliyeed gaar ahaan reer b.weyne b/burto iyo jalalaq waa inay galaan feejignaan abni oo dheeraada oo looga hor tegayo shirqoolo ay kooxda as ku qorsheynayaan qaraxyo waaweyn oo ay ku gummaadaan deegaanadaas asbuucaan gudihiisa sida aan ka heleyno ilo lagu kalsoon yahay. Saraakiisha hayadaha amniga ee magaalooyinka waaweyn sida kuwa aan soo tilmaanayna waxan ka codsaneynaa inay howlahooda labalaabaan" ayuu yiri Taliye Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle.

Taliyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka ku nool Magaalooyinka Baladweyne, Jalalaqsi iyo Buulaburte iney dhankooda muujiyaan taxadar dheeraad ah, islamarkaana ay la shaqeeyaan laamaha amaanka gobolka Hiiraan.

Digniintaan uu soo saaray Taliye ku xigeenka qeybta Booliiska gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo Shalay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay soo saartay digniin ku socota shacabka kunool magaalada Muqdisho oo ay uga digeysey inay tagaan Hoteelada, Maqaayadaha iyo goobaha kale ay dadka isugu tagaan, si ay uga baaqsadaan dadka shacabka ah dhibaato kasoo gaarta weeraro Al-shabaab ay qorsheyneyso iney geysato gudaha Muqdisho.