Hiiraan Online
1/18/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, May 5 , 2022
Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo iska dhexdoortay guddoomiye iyo ku xigeen
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Senator Cabdiqani Geelle Maxamed oo katirsan aqalka sare ayaa ku guulaystay guddoomiyaha guddiga isku dhafka ah ee qabanqaabada doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya.
Senator Cabdiqani Geelle ayaa 10 cod ka helay doorashada guddoomiyaha guddiga doorashada, isagoo xilkaan kaga guulaystay Xildhibaan Maxamed Axmed Beereey oo helay 5 cod iyo Senator Cabdi ismaaciil samatar oo helay 2 cod.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada ayaa sidoo kale loo doortay Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed oo helay 9 cod, wuxuuna ka guulaysay xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimow oo doorashada ka helay 7 cod.
Labadan xildhibaan ayaa isla gaaray wareeggii saddexaad ee ugu dambeeyay ee doorashada, halkaas oo xildhibaan Maxamed Keerow uu labo cod kaga guulaystay xildhibaan Macalimow.
Guddiga doorashada oo hadda yeeshay hoggaan rasmi ah ayaa sabtida soo socota ama kahor ba la filayaa inay soo saaraan habraaca doorashada madaxweynaha, sida jadwalka doorashada iyo sharuudaha musharraxiinta madaxweynaha.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]