11/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2022
Safiirka xilka kasii dagaya ee safaaradda Soomaaliya ee Roma oo iska fogeeyay eedeymo loo jeediyay

Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Safiirka xilka kasii dagaya ee safaaradda Soomaaliya ee Roma, Danjire Cabdiraxmaan Sheikh Ciise, ayaa iska fogeeyay eedeymo kasoo yeeray wasaaradda arrimaha dibadda oo ku saabsan inuu ku takrifal awoodeed ku sameeyay maamulka safaaradda.

Danjire Cabdiraxmaan Sheikh Ciise, ayaa nasiib darro ku tilmaamay sida uu sheegay in wasiirka arrimaha dibaddu ka hadli waayo dhacdadii xoog kula wareegidda Safaaradda Roma, taasoo uu masuuliyaddeeda dusha u saariyay Sii-Hayaha Safaaradda Magacaaban Axmed Cabdiraxmaan Sheikh Nuur.

Waxa uu sheegay in aanay jirin meel uu xilkii safaaradda si rasmi ah ugu wareejiyay Axmed Cabdiraxmaan Sheikh Nuur. Arrintaas oo uu sheegay inay caddayn u tahay in safaaradda sifo aan sharci ahayn loola wareegay eraybixintii la doono haloo fasirtee.

Halkaan hoose ka khriso qoraalka uu soo saaray danjiraha.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]