Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay madaxda warbaahinta madaxa banaan iyo qaar ka mid ah hoggaanka ururadda saxaafada ee dalka oo horay cabasho ugu gudbiyay guddoomiyaha Baarlamaanka.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa warbaahinta kala hadlay ahmiyadda ay leedahay in tabinta doorashada dhici doonto maalinta Axada ah ee nagu soo aaddan yeelato aragti mideysan oo dan u ah qaranka Soomaaliyeed.
Wuxuu intaasi ku daray guddoomiyaha Golaha shacabka in warbaahinta ay ka saaran tahay mas’uuliyad culus xaalada doorashada, tabinteeda iyo najiitadaba, wuxuuna ku booriyay in ay mas’uuliyaddaas ka soo dhalaalaan.
Madaxda warbaahinta ayaa dhankooda waxay guddoomiyaha u bandhigeen dhibaatooyin ay ka tirsanayeen gudigga maamulka doorashada oo warbaahinta u diiday in ay gudaha u galaan hoolka lagu qabanayo doorashada oo ay qeyb ka noqdaan tabitaanka doorashada.
Guddoomiyaha ayaa u sheegay madaxda warbaahinta in tabashadooda wax laga qaban doono, isagoona uga mahadceliyay warbaahinta dadaalkooda horumarineed oo ay dalka ka wadaan waxaana uu sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.