4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2022
Ciidamada xoogga dalka oo ku guulaystay inay ciidamada Ahlsunna ka saaraan magaalada Dhuusomareeb
 

Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa si buuxda dib gacantooda ugusoo celiyay magaalada Dhuusomareeb, halkaas oo aay Saakay weerar kusoo qadeen ciidamo Ahlusunna Waljameeca.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ee xoogga dalka ayaa qeyb weyn ka qaatay inay Dhuusomareeb ka saaraan dagaalamayaasha Ahlusunna ee saakay la wareegay qeybo kamid ah caasimadda Galmudug ee Dhuusomareeb.

Guddoomiyaha degmada Dhuusomareeb ayaa sheegay in magaalada amnigeeda ay haatan si buuxda u sugeen, isagoo shacabkii ka qaxay ugu baaqay inay dib ugusoo laabtaan magaalada.

Guddoomiyaha ayaa u mahad celiyay ciidamada xoogga dalka oo uu sheegay inay u geeriyoodeen difaaca sharafta Galmudug iyo shacabkeeda, isagoo sheegay inay sifeeyeen wuxuu ugu yeeray burcaddii magaalada Dhuusomareeb kusoo duushay.

Khasaaro xoogleh ayaa ka dhashay Dagaalka Ciidamada Dowladda iyo xooggaga Ahlusunna, waxaana buuxsamay isbitaalada magaalada Dhuusomareeb.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]