Madaxweyne Laftagareen oo qaabilay khabiirka madaxa-banaan ee QM u qaabilsan xuquuqul insaanka Soomaaliya
Talaado, Maarso, 29, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis
Xasan Maxamed Laftagaren, ayaa maanta magaalada Baydhabo kula kulmay wafdi ay
hoggaamineysay khabiirka madaxa-banaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan
arrimaha xuquuqul insaanka ee Soomaaliya, Isha Dyfan.
Kulanka waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin abaaraha, biyo
la’aanta, xaquuqda aadanaha iyo xuriyatul qowlka.
Madaxweyne Cabdicasiis oo ay wehlinayeen lataliyayaashiisa iyo
agaasimaha madaxtooyada, ayaa warbixin guud ka bixiyay xaaladdaha abaaraha iyo
xaquuqda aadanaha ee deegaannada maamulka Koonfur-Galbeed.
Khabiirka madaxa-banaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan
arrimaha xuquuqul insaanka ee Soomaaliya, Isha Dyfan, ayaa shalay magaalada
Muqdishu kulan kula yeelatay wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha garsoorka
JFS mudane Avv. Xasan Xuseen Xaaji.
Wasaaradda ayaa warbixin ka siisay xeerarka xuquuqda
aadanaha, horumarada laga sameeyey iyo sharciyada quseeya xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.
Isha Dyfan, ayaa booqashadeedii ugu horreysay ee rasmi ah ku
timid dalka Soomaaliya 28-ka Maarso, iyadoona joogi doonta illaa 2-da Abriil
2022-ka.
Golaha Xuquuqul Insaanka ayaa sanadkii 2020 u magacaabay
Isha in ay noqoto khabiir madax-banaan si ay u qiimeeyso, ula socoto, ugana
warbixiso xaaladda xuquuqul insaanka ee Soomaaliya, iyadoo ujeedadu tahay inay
soo jeediso tallooyin ku saabsan kaalmada farsamo iyo tayeynta dhinaca xuquuqul
insaanka.
Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]