Soomaali qoorta ka gooyay nin darbi-jiif ah oo kasoo muuqday maxkamad ku taalla dalka Jarmalka
Talaado, Maarso, 29, 2022 (HOL) - Nin asalkiisu Soomaali yahay ayaa jimcihii kasoo muuqday
maxkamad ku taalla dalka Jarmalka, kaas oo lagu eedeeyay in 111 jeer uu
tooriyeeyay, kaddibna uu madaxa ka jaray nin darbi-jiif ahaa.
Eedeysanaha oo hor taagan maxkamadda degmada Deggendorf, waa
22 jir la sheegay inuu falkaasi geystay bishii Julay ee sannadkii 2021.
Ninka weerarka geystay oo asalkiisu Soomaali yahay ayaa la
dhigay isbitaal ku yaalla qeybta dhimirka. Waxaana la sheegay in uu ku jiro
xaaladda awood la’aanta jirka iyo maskaxda.
Si kastaba ha ahaatee, dacwad oogaha kiiska ayaa ninkan
horgeyay maxkamadda, si loogu qaado dambiga, sida uu sheegay wargeyska Jarmalka
ee Bild.
Saraakiisha booliska ayaa waqti badan ay ku qaadatay in ay
xiraan ninka, waxaana mid ka mid ah askarta uu ka dillaacay gacanta bidix intii
lagu jiray qabashada eedeysanaha falka geystay.
Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]