Hiiraan Online
11/27/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Mar 27, 2022
Wasiirka maaliyadda Puntland: Ma jiro sharci madaxweyne Deni u diidaya inuu isku sharaxo xilka madaxweynaha Soomaaliya
Axad, Maarso, 27, 2022 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shirre Abgaal ayaa sheegay inuusan jirin sharci madaxweyne Deni udiidaya inuu u tartamo xilka madaxweynaha isaga oo aan iska casilin xilka madaxweynaha Puntland.
Wasiirka maaliyadda ayaa ka digay in tashuush lagu furo musharraxnimada madaxweyne Siciid Deni, isagoo ku tilmaamay dadka qaba aragtigaas inay yihiin kuwa doonaya inaan isbeddel lagu sameynin hoggaanka dowladdda Soomaaliya.
"Dowladda hadda jirta iyo Shabaab ayaa isku dhex milmay, waxaa la rabaa inuu isbeddel yimaado. Marka yaan la shaki la galin isbeddelkaas. Madaxweynuhu waa tartamayaa. Madaxweynayaal ka horreeyay ayaa sidaas oo kale u tartamay, xilkan" ayuu yiri wasiirka maaliyadda Puntland.
Hadalka wasiirka maaliyadda Puntland wuxuu kusoo beegmayaa, kadib markii maalmo ka hor mid kamid ah xildhibaannada barlamaanka Puntland uu sheegay inay xilka ka qaadayaan madaxweyne Deni haddii uu isku sharraxo xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]