Hiiraan Online
1/19/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2022
Itoobiya iyo Qaramada Midoobay oo kawada hadlay doorashada Soomaaliya iyo dib u habaynta AMISOM
Arbaco, Maarso, 2, 2022 (HOL) - Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa wada hadal la yeeshay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
Labada dhinac waxay ka wada hadleen doorashada Soomaaliya, dib u habeynta ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyo baahida loo qabo in laga hortago weerarada kooxda Al-Shabaab.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa u sheegay Ergeyga gaarka ah in Itoobiya ay si dhow ula socoto hannaanka doorashada Soomaaliya, isagoo sheegay in Ethiopia ku faraxsan tahay hannaanka doorashadu ku socoto.
Demeke ayaa sheegay in wadashaqeyntu ay lama huraan tahay si looga hortago isku dayga kooxda Alshababab ee ku aaddan ka faa’ideysiga hannaanka doorashada Soomaaliya iyo abaaraha ka jira deegaanka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka hadlay hanaanka dib u habeynta ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo doorka dowladaha ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]