Jimco, Maarso, 11, 2022 (HOL) - Xildhibaan Maxamuud Muxumed Kuulow oo kamid ahaa xildhibaannadii Baarlamaanka JFS ee dhowaan lagu doortay magaalada Kismaayo, ayaa galabta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Marxuumka ayaa u geeriyooday xanuun deg-deg ah oo ku soo booday, sida loo xaqiijiyay HOL.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa guud ahaan ummada Soomaaliyeed, bulshada Jubbaland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay uga tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Muxumed Kuulow.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu kamid ahaa bulshada dadka waxgalka u ah ee kasoo qeyb-qaatay shaqooyin badan oo ay ugu muhiimsan yihiin arimaha bulshada oo door muuqda uu ku lahaa isagoo kamid ahaa dadka sida weyn u garab istaagay dowladnimada Jubaland wakhtigiisa iyo maalkiisana u huray.
Marxuumka ayaa 21-kii bishii hore ee Feberaayo ku guuleystay kursiga HOP079, kaddib markii uu helay 74 cod, halka musharraxii kula tartamayay ee Bashiir Nuur Dhuumaal uu helay 21 cod, waxaana maalintaasi xumaaday 2 cod.
Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]