5/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 21, 2022
Soomaaliya oo 16-0 looga badiyay koobka Futsalka wadamada Carabta

Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Kooxda Futsal ee dalka Morocco ayaa 16-0 kaga badisay kooxda Futsalka Soomaaliya oo ay wada cayaareen koobka Futsal ee wadamada Carabta, kaas oo ka socda Saudi Arabia.

Waa guul darro aad weyn oo soo gaartay kooxda matalaysay Soomaaliya, kuwaas oo waji gabax iyo ceeb weyn kala kulmay kulan cayaareedkan.

Dadka cayaaraha la socda ayaa ku tilmaamay guul darradan mid niyad jab weyn leh, iyagoo sheegay in la heli karay cayaartoy Soomaaliyeed oo ku fiican kubada Futsalka oo laga keeni karay Qurbaha, sida Maraykanka iyo Yurub.

Waxay guul darradan u sababeeyeen cayaartoyda tartankan ka qeyb galaysa oo lagasoo xulo Soomaaliya, loona arko in aanay aqoon badan u lahayn kubada Futsalka maadaama aan Soomaaliya laga cayaarin.

Waa guul darradii labaad oo xiriir ah oo Soomaaliya kasoo gaarta tartankan. Horey waxaa 8-1 ugasoo badiyay dalka Mauritania oo lagu tiriyo wadamada meelaha hoose kaga jiro kubada cagta.

Tartankan oo ay ka qayb galayaan 10-kooxood, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ururka Kubadda Cagta Carabta, isla markaana wxaa fulinaya xiriirka Kubadda Cagta Sacuudiga, waxaana uu soconayaa inta u dhaxeysa 20-28-ka bisha June.

Guruubka koowaad waxaa ku jira Morocco, Kuwait, Mauritania iyo Somalia, guruubka labaad waxaa ku jira Masar, Ciraaq iyo Aljeeriya, halka guruubka 3-aad ay ku jiraan Sucuudiga oo ah marti galiyaha koobka, Falastiin iyo Liibiya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/21/2022 3:08 PM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Cayaaryahanka Romelu Lukaku ayaa dib ugu soo laabtay Inter Milan ka dib markii kooxda reer Talyaani ay wadahadalo muuqaal ah oo saddex saacadood qaatay ay la yeelatay kooxda Chelsea.

6/21/2022 7:52 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada qalabka ee Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 4 kamid ah shabakad katirsan Alshabaab, kuwaas oo qaraxyo iyo dilal madax jabis ah ka geysan jirey Boosaaso.

6/21/2022 7:44 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Kadib kulan ay yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddidii isku xilqaantay xalinta khilaafka doorashada, ayaa isku afgartay in qorshaynta howsha xalinta khilaafka loo daayo golaha guurtida.

6/21/2022 3:09 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Wasiirka caafimaadka maamulka Puntland, Jaamac Faarax Xasan ayaa xaqiijiyay in la lunsaday 300 kartoon oo ay ku jireen Buskutka Plumpy Nut, oo loo isticmaalo in lagu daweeyo nafaqo-xumada ba'an ee carruurta yaryar.

6/21/2022 1:57 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Xalay ka dhacay Tabeelaha Sheekh Ibraahin ee duuleedka magaalada Muqdisho.

6/21/2022 1:48 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa lasoo taagay afar nin oo ku eedeysan inay katirsanaayeen shabakad kooxaha Daacish iyo Ashabaab, kuwaas oo magaalada Bosaso ka geysan jiray qaraxyada iyo dilalka.

6/21/2022 12:56 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu doonayay in golaha wakiiladu diidaan xubnaha cusub ee guddida doorashooyinka.

6/21/2022 12:48 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Maxamed Axmed Faarax (Aflahaar), oo ahaa guddoomiyihii xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID ee gobolka Sool, ayay dablay hubaysani xalay ku dileen magaalada Laascaanood.