Isniin, Luulyo, 4, 2022 (HOL) - Dab xooggan oo shalay ka kacay deegaanka Gaacidh oo ka mid ah buuraleyda gobolka Sanaag ayaa ilaa maanta socda, waxaana gebi ahaan gubanaya keymaha iyo dhirtii ku taallay deegaanka.
Deegaankan oo ku yaalla waqoyga gobolka Sanaag waxaa ka socda gurmad aan xoog badneyd oo lagula tacaalayo deminta dabka.
Masuuliyiin ka socday wasaarradaha dhirta iyo daaqa iyo dalxiiska Somaliland oo tagay goobta ayaa la kulmay dadka deegaanka, walow aysan jirin talaab ilaa iminka ay qaaday dowladda.
Hassan Istiila, Hiiraan Online [email protected]