11/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 26, 2022
Somaliland oo amar kusoo rogtay dadka ajaanibta ah
 

Talaado, Luulyo, 26, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland, ayaa dadka ajaanibta ah ee aan sharciyada joogitaanka haysan ku amartay in ay muddo 20 cisho gudahood ah kaga baxaan ciideeda.

Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland, ayaa lagu amray dadka ajaanibta ah ee sharcidarada ku jooga Somaliland in ay muddo 20 cisho ah kaga baxaan Somaliland.

"Taliska Ciidanka Socdaalka Jamhuriyadda Somaliland wuxuu ku wargalinayaa ajaanibka sifo sharci daro ah ku jooga dalka Somaliland in ay kaga baxaan muddo Labatan (20) cisho ah oo ka bilaabma 28/07/2022 ilaa 17/08/2022" ayaa lagu yidhi amarka laanta socdaalka.

Sidookale, ganacsatada iyo dadka kale ee haysta shaqaale ajaaniib ah, ayaa looga digay in ay shaqaalaysiiyaan qof bilaa sharci ah, oo aan haysan sharci fiise leh.

"Sidoo kale waxaa lagu wargalinaya shirkadaha, hayadaha iyo ganacsata ay ka hawl’galaan shaqaale ajaanib ah, in ay ka shaqeeyan oo qudha ajaanibka haysta dalkujoog sax ah (Visa ama Qaxoonti)" ayaa lagu yidhi amarka laanta socdaalka.

Ugu danbayn qoraalka ayaa lagu sheegay in talaabo sharci ah laga qaadi doono cidii lagu arko iyada oo haysata shaqaale bilaa  sharci ah.

Hoos ka akhriso amarka laanta socdaalka:-


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]