4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 27, 2022
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Beelaha Xawaadle oo si kulul uga hadlay ciidamada la geeyay magaalada Baledweyne
 

Khamiis, Janaayo, 27, 2022 (HOL) - Qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda beelaha Xawaadle oo uu qeyb ka ahaa wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo shir jaraa'id si wadajir ah ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen iney kasoo horjeedaan ciidamada dowladda ay geysay Baledweyne.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanadda Shirka jaara'id qabtay ayaa kala ahaa Wasiir Mukhtaar Xuseen Afrax, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, Xildhibaan Maxamed Xasan Qoono, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi, siyaasi Cabdullaahi Maxamed Sambaloolshe iyo siyaasiyiin kale oo caan ka ah Hiiraan.

Waxay tilmaameen in ciidamada dowladda geysay magaalada Baledweyne lala damacsan yahay boobka kuraasta taalka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyagoona intaa ku daray wax walba oo dhibaata ee ka dhasha ciidamada la geeyay Baledweyne inuu masuuliyadeeda qaadi doono Farmaajo.

Xildhibaan Goodax Barre ayaa sheegay in ciidanka Baledweyne la geeyay ay ka dambeyso Madaxtooyada Soomaaliya ayna damacsan tahay iney ku boobto kuraasta Baledweyne lagu dooran rabo.

"Waxaan rabaa inaan cadeyno halka ay fuuleyso masuuliyada dhibkii ka dhaca Baledweyne, qofka ugu weyn ee masuuliyadu saaran tahay waa Raysal wasaaraha dalka, waxaana muuqata in ciidankii siyaasadda uu cagaha la galay, Jeneraaladii ayaana siyaasadda maamulaya” ayuu yiri Xildhibaan Goodax.

Siyaasi Sambaloolshe oo dhankiisa hadlaayay ayaa sheegay inuu ugu baaqayo taliyeyaasha ciidamada ee qaadanaya amarada qaldan ee lasiinaayo iney ka fiirsadaan, isagoona tilmaamay inaan la diidadeen in Cali Guudlaawe uu tago Baledweyne, hayeshee uu jiro isfaham waa u dhaxeeyo isaga iyo beelaha Xawaadle.

"Waan jecleyn inuu Cali Guudlaawe tago magaalada Baledweyne, balse waxaan rabnay in go’aan iyo is faham Xawaadle uu ku tago, taasi ma dhicin, waana ka xunahay in maanta xoog lagu dayo, Cali Guudlaawe waxaan leenahay ka joog, ha isku deyin in dhiigii aad horay uga baaqsatay gacmaha laguu geliyo, cid Baledweyne xoog kugu geyn karta ma jirto” ayuu yiri Cabdullahi Sambaloolshe.

Xildhibaan Maxamed Xasan Qoono oo dhankiisa ka hadlaayay shirka jaraa'id ay qabteen ayaa sheegay in Baledweyne ciidamada loo diray aanan laga soo hoyi doonin wax guul ah, isagoona sheegay in ciidamo sidaan oo kale horay ugu dirtay Baledweyne dowladii Maxamed Saiyaad Barre aysan ka keenin wax guul ah.

"Baledweyne Maxamed Siyaad Bare ayaa ciidan u direy guulna kama gaarin ee Biixi iyo Odowaa ha ogaadaan in ay leeyihiin Masuuliyadda wixii halkaa ka dhaca” ayuu yiri Xildhibaan Qoono.

Xildhibaanadii iyo siyaasiyiintii kale ee qeybta ka wada ahaa shirka jaraa'id ayaa dhamaatood waxay sheegeen iney kasoo horjeedaan ciidamada la geeyayay Baledweyne oo gaaraya ilaa 100 askari oo isugu jira Haramcad iyo Gorgor, kuwaas oo uu Baledweyne kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed.

Waa markii ugu horeysay ay Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Beelaha Xawaadle ay si wadajir ah uga hadlaan arrinta Hiiraan oo dhibaatadeeda mudo sanad ka badan soo jiitameysay, hasa ahaatee waxaa haatan ay u muuqata iney mideysay rabitaanka shaqsi walba uu ku doonayo hamigiisa gaarka ah iyo inuu kursi uu beelaha Xawaadle ku matalo inuu helo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online