Hiiraan Online
11/5/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Jan 18, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo u mahadceliyay xildhibaan Gavin Williamson
Talaado, January, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u mahadceliyay xildhibaan Gavin Williamson, oo ah xildhibaanka soo jeediyay in Baarlamaanka Ingiriisku ka doodo aqoonsiga Somaliland, isla markaana daadihinaya dooda.
Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo dhigay bogiisa Twitterka, ugu mahadceliyay xildhibaan Williamson isagoo u rajeeyay in dowlada Ingiriisku dhagaysan doonto soo jeedintiisa.
"Gavin Williamson waad ku mahadsantahay daadihinta iyo in aad ku baaqday dood ku saabsan aqoonsiga Somaliland, waxan rajaynayaa in dowladaadu ku dhagaysato adiga iyo xildhibaannada kale" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.
Xildhibaan Williamson, ayaa daadihinaya dood lagaga doodi doono aqoonsiga Somaliland oo uu isagu keenay baarlamaanka Ingiriiska, taasi oo maanta ka dhici doonta aqalka baarlamaanka ee Westminister.
Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]