Labo qarax oo caawa ka dhacay magaalada Bosaso
Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Labo qarax oo ah bombada gacanta laga tuuro ayaa caawa lagu tuuray
baro kantarool oo ciidanka Puntland ay ku baarayeen dadka iyo gaadiidka.
Ilaa
iyo hadda lama sheegin wax khasaare ah oo dhimasho iyo dhaawaca oo
ciidanka gaaray, hase ahaatee waxaa lasoo sheegayaa inuu jiro dhaawac
dad shacab ah kasoo gaaray qaraxa hore.
Qaraxa
labaad oo dhacay goor dhowayd waxaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay
meesha uu qaraxii hore ka shacay, lama oga khasaaraha ka dhashay weli.
Laamaha
amniga ayaa galay feejignaan dheeraad ah, iyadoo magaaladu ay ka jirto
xiisad colaadeed oo ka dhalatay xil ka qaadistii agaasimihii hore ee
hay'adda PSF, taasoo aan weli wax xal ah laga gaarin.
Magaalada
Bosaso oo in muddo ah ka nasatay qaraxyada kadib wixii ka dambeeyay
weerarkii xabsiga Boosaaso, ayaa qaraxyadan waxay kusoo aadeen xilli
kala qeybsanaan ka dhex jirto ciidamada.
Magaalada
ayaa amnigeedu faraha ka baxay markii bishii hore uu ka dhacay dagaal
labo maalin socday oo dhaliyay dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac.
Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online