11/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 3 , 2022
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qayb galay Kalfadhiga 40-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika

Khamiis, Febraayo, 3, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa Addis Ababa kaga qayb galay furitaanka Kalfadhiga 40-aad ee Golaha Fulinta ee Shir-madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayey wax ka qabashada saamaynta cudurka Covid-19, Amni xumada, xasilooni darrada, iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee Qaaradda Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay saamaynta dhaqan-dhaqaale ee cudurka COVID-19 uu ku reebay guud ahaan Qaaradda Afrika iyo muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado in wadajir looga soo kabsado saamaynta taban ee cudurkan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa soo bandhigay guulaha dowladda Federaalka Soomaaliya kaga tallaabsatay la dagaallanka argagixisada, xasilinta dalka, ka hortagga cudurka COVID-19 iyo sida ay dowladda Soomaaliya diyaar ugu tahay in walaaleheeda Afrikaanka ah ay iskaashi buuxda kala yeelato sidii wax looga qaban lahaa dhammaan khataraha ay wajahayso Qaaraddu.

Intii lagu guda jirey kulanka, wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Kulan doceedyo iyo wada hadallo gaar ah la yeeshay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Algeria, Burundi, Botswana, Namibia iyo Madagascar, isaga oo kala hadlay iskaashiga iyo wax wada qabsiga Dalalka Qaaradda iyo taageeridda Soomaaliya ee ku aaddan xubinnimada Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo doorashadiisu ay dhowaan dhacayso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online