Khamiis, Febraayo, 24, 2022 (HOL) - Ciidamada Ruushka ayaa weerar gantaalo
loo adeegsaday ku garaacay magaalooyin badan oo ku yaala dalka Ukraine,
kadib markii uu amar ku bixiyay madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir
Putin iney ciidamadiisa howlgalo militari iney ka fuliyaan bariga
wadanka Ukraine.
Saacado
yar kadib khudbad uu Putin ka jeediyay Talafeshinka qaranka dalkiisa
ayaa waxaa xigay mar qura in laga maqlay Caasimadda dalka Ukraine ee
Kyiv dhawaqa qaraxyada, waxaana sidoo kale rasaas badan ay ka dhaceysa
meelo u dhow garoonka diyaaradaha ee caasimadda Ukraine, sida ay
sheegtay wakaaladda wararka ee Interfax, waxaana magaalada laga maqlayay
dhawaqa digniinta ah ee weerarada.
“Putin
waxa uu hadda bilaabay duulaan buuxa oo uu ku qaaday Ukraine,
magaalooyinka nabdoon ee Ukraine waxa ku socda duqaymo” ayuu bartiisa
Twitter-ka ku qoray wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba.
Milateriga
wadanka Ruushka ayaa sheegay in ay duqeeyeen saldhigyada ciidamada
cirka ee Ukraine iyo goobaha kale ee militariga, islamarkaana aysan
bartilmaameedsan goobaha ay dadku ku badan yihiin, waxaana sida lagu
sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ay
militarigoodu isticmaaleen hub aan waxyeelo gaarsiin dad shacab ah.
Madaxweyne
dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku eedeeyay dowladda Mareykanka iyo
xulafadeeda NATO inay iska indhatireen dalabaadka Ruushka ee looga
hortagayo in Ukraine ay ku biirto NATO iyo damaanad qaadka amniga
Ruushka.
“Cid kasta oo
isku dayda in ay na carqaladayso iska daa in ay qatar ku abuurto
dalkeenna iyo dadkayaga, waa in ay ogaadaan in jawaabta Ruushku ay noqon
doonto mid degdeg ah oo horseedi doonta cawaaqib aanan weligiin
taariikhda ku arkina” ayuu yiri madaxweyne Putin.
Weerarka
Ruushka Maanta uu ku qaaday dalka Ukraine ayaa imaanaya iyadoo
todobaadyadii lasoo dhaafay xiisada u dhaxeysa labada dal marba marka ka
dambeeya ay aheyd mid cirka isku sii shareereysay, taasoo ugu dambeyn
sababtay in Maanta uu bilaawdo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online