1/19/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 20, 2022
Gavin Williamson "Waanu wadaynaa dagaalka ilaa oo Somaliland la aqoonsado"
 

Axad, Febraayo, 20, 2022 (HOL) - Xildhibaan Gavin Willianson, oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa sheegay in Somaliland ay tahay xaqiiq aan la dafirikarin, isla markaana uu riixayo aqoonsiga Somaliland ilaa oo caalamku aqbalo.

Williamson oo u olloleeya aqoonsiga Somaliland, ayaa muuqbaahiyaha CBA u sheegay in uu sii wadayo dadaalada isaga iyo xildhibaano kale ay ku doonayaan in Somaliland la aqoonsado.

"Waanu wadi doona soo jeedinta, waanu riixi doona, waanu u doodi doona ilaa oo aanu guul ka gaadhno, tani waa go'aan, doonis iyo rumaysnaan naga dhex ololaysa, oo aanu rumayn karno" ayuu yidhi Williamson.

Waxa uu sheegay in markii uu Somaliland yimid uu ogaaday dareenka shacabka ee aqoonsi caalami ah, isla markaana uu ka shaqayn doono sidii Somaliland aqoonsi u heli lahayd.

"Markaad Somaliland timaado waxad kulmaysa soo dhawaynta, doonista iyo go'aanka shacbiga Somaliland, waxaanad si dhaba u ogaanaysa in ay tani tahay arrin u baahan in laga shaqeeyo, dagaalka waanu wadaynaa, maalin maalmaha kamid ahna waanu rumaynaynaa" ayuu yidhi Williamson.

Waxa uu Somaliland ku tilmaamay xaqiiq, aan khayaali ahayn, iyo in loo baahanyahy in adduunku garwaaqsado "Somaliland ta maantu maaha khiyaali iyo riyo, waa xaqiiq jirta, wakhti uun baa inaga xiga xiligii uu adduunku xaqiiqdan xidhiidh la yeelan lahaa".

Williamson iyo wafti xilhibaano ah oo ka socday Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa safar ku jooga Somaliland, xildhibaannadan ayaa gadhwadeen ka ah dadaalo lagu doonayo in dowlada Ingiriiska iyo caalamku aqoonsi siiyo Somaliland.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]