1/19/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 20, 2022
Magaalada Baledweyne oo Maanta ka dhaceyso doorashada lix kursi iyo Bandow la saaray xaafadaha magaaladaasi
 

Axad, Febraayo, 20, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Baledweyne ay ka dhacdo doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Baledweyne, waxaana saakay kala xiran isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha xaafadaha magaalada Baledweyne oo loo xiray doorashada darteed.

Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa shalay gabagabeeyay diiwaan gelinta iyo shahaado siinta Musharaxiinta u tartamaysa lixda kursi ee ka midka ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo sumadoodu tala tahay HOP 086, HOP 109, HOP 074, HOP 274, HOP 008, HOP 0015.

Kuraasta Maanta doorashadooda ka dhaceyso magaalada Baledweyne waxaa ku jira kursi uu u tartamayo La taliyaha amniga qaranka madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo, Fahad Yaasiin oo sida la sheegayo sabab u ah in la xiro wadooyinka Baledweyne.

Lixda kursi ee Maanta la dooranayo ayaa sadax ka mid ah waxaa kasoo yeertay qeyla dhaan xoogan oo ka timid Musharaxiinta iyo Beelaha kuraastaasi oo sheegay in la boobayo kuraastaas oo shaqsiyaad gaar ah loo xiray, waxayna kala yihiin kuraastaasi nambaradooda HOP 086, HOP 109, HOP 274.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online