4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 29, 2022
Shirka wadatashiga qaran oo lagasoo saaray qodobo qeyb kamid ah aan la isku raacin

Khamiis, December, 29, 2022 (HOL) - Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo lagasoo saaray qodobo dhowr ah, qodobadaas oo qeyb kamid ah maamulka Puntland uusan saxiixan.

Golaha wadatashigu waxay isku raaceen marka laga reebo Puntland, heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka fedaraalaynta garsoorka dalka iyadoo la isku raacay in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka.

Golaha wadatashiga, iyadoo ay Puntland ka maqan tahay, waxay sidoo kale saxiixeen heshiis siyaasadeed oo la xiriira astaynta awoodaha u gaar ah dowladda federaalka, kuwo u gaarka ah heer dowlad goboleed iyo kuwo wadaagga ah.

Laakiin, warsaxafaadeedka laguma xusin nuuca ay yihiin awoodahan iyo sidoo kale heshiiska kale la xiriira arrimaha garsoorka.

Dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa sheegay in la magacaabayo guddi soo diyaariya sidii dalka looga qaban lahaa doorashooyin leh halbeeg.

Qodobkan dhammaan dhinacyada shirku way isku raaceen, xilli uu buuq ka taagan yahay qaar kamid ah muddada xil haynta madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya.