Hiiraan Online
11/7/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 28, 2022
Ciidamada dowladda Itoobiya oo la shaaciyay in berri oo Khamiis ah ay gali doonaan magaalada Maqale
Arbaco, December, 28, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay gudaha u gali doonaan maalinta berri oo Khamiis ah magaalada Maqale ee xarunta gobolka Tigray, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Sida uu Warbaahinta u sheegay Ambassador Redwan Xuseen oo ah Lataliyaha Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ee dhinaca Amniga, waxaa sidoo kale maalintaa la fulin doonaa hub ka dhigista ciidamada TPLF.
Arrinta hub ka dhigista ayaa ahayd qodob kamid ah waxyaabihii ay horey ugu heshiiyeen dowladda Itoobiya iyo TPLF, isla markaana kulankii u dambeeyay ee Nairobi lagu xoojiyay in la fuliyo qodobka hub ka dhigista TPLF.
Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli Wafdi ballaadhan oo dhinaca dowladda Itoobiya ka socda uu maalin ka hor ka degay magaalada Maqale, halkaas oo ay labada dhinac waa Itoobiya iyo TPLF ay ka wada hadleen sidii loo sii wadi lahaa hirgalinta waxyaabihii horey loogu heshiiyay.