4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 25, 2022
Madaxweynaha Jubbaland iyo Wasiirka Difaaca dalka Kenya oo kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo
 

Axad, December, 25, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ku qaabilay Wasiirka Difaaca dalka kenya Aadan Barre Ducaale oo halkaasi ku tagay booqasho iyo kormeer la xariira ciidamada Kenya ee qeybta ah howlgalka ATMIS.

Labada masuul ayaa la sheegay in kulankooda ay uga wada hadleen diyaar garow loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaabka ku sugan deegaanada maamulka goboleedka Jubbaland.

"Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay diyaar garoowga loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa howlgalka Kooxda Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada Jubaland iyo tageerada Ciidamada Dowlada Kenya ee ka midka ah howlgalka ATMIS ee qeybta ka ah howlgalada dhawaan bilaabanaya" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Wasiirka difaaca dowladda Kenya ayaa sidoo kale ka wadahadlay sidii la isaga kaashan lahaa amniga xuduudaha mudada ay socdaan howlgalada lagula dagaalamayo Ururka Al-shabaab.

Kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo dowlad goboleedka Jubbaland ay dhawaan sheegtay iney u diyaar garoowday howlgalada Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada ay laga sugan yihiin maamulka Jubbaland.