4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 24, 2022
Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay 6 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab
 

Sabti, December, 24, 2022 (HOL) - Taliska dowladda Mareykanka ee Afrika ayaa war uu soo saaray ku sheegay inuu duqeyn uu ka fuliyay gudaha Soomaaliya ku dilay lix ka tirsan Al-Shabaab, Jimcihii shalay.

Weerarkan ayaa ahaa mid lagu fuliyay codsi uga yimid dowladda Soomaaliya. Marka loo eego qiimeyn horudhac ah oo uu sameeyay AFRICOM, ma jirto dad rayid ah oo la dilay ama lagu dhaawacay duqyanta.

Waa duqayntii saddexaad oo muddo 10 maalmood gudahood ah uu Maraykanku ka geysto Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Shabeeladda dhexe, halkaas oo uu ka socda howlgal ka dhan ah kooxda Alshabaab.

Duqaynta koowaad ayaa dhacday 14-kii December, AFRICOM waxay sheegtay in 7 ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen. Halka duqaynta labaad ay dhacday saddex maalmood ka dib waxaana lagu dilay siddeed ka tirsan kooxda al-Shabaab.

"Al-Shabaab waa Shabakadda Al-Qaacida ugu weyn uguna dilka badan caalamka, waxayna caddeysay rabitaankeeda iyo awoodda ay u leedahay inay weerarto dadka rayidka ah ee Soomaalida, Bariga Afrika iyo Mareykanka," ayuu yiri AFRICOM.

Mareykanka ayaa siinaya kaalmo joogto ah dowladda Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu ogolaaday bishii May codsi ka soo baxay Pentagon-ka oo ahaa in ciidamada Mareykanka dib loo geeyo caalamka si ay uga hortaggaan argagixisada.