4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 23, 2022
Guddoomiye Aadan Madoobe: Qalalaasaha ka socda Baydhabo waxaa lagu fashilinayaa shirka dib u heshiisiinta
 

Jimco, December, 23, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa sheegay, qalalaasaha ka socda magaalada Baydhabo in lagu doonayo sidii loo fashilin lahaa shirka dib u heshiisiinta ee loo madlan yahay horraanta bisha January.

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda dhiiggu ku daatay, isagoo ugu yeeray dhinacyada is haya inay yimaadaan miiska wada hadalka.

Sheikh Aadan Madoobe, wuxuu sheegay dhaqdhaqaaqyada ka socda magaalada Baydhabo in dano gaar ah laga leeyahay. Wuxuuna xusay cid kaste oo ku lug leh ama qeyb ka ah khasaaraha dagaalka, in lagula xisaabtami doono dhibaatada ay geysatay.

Baaqa guddoomiyaha barlamaanka ayaa kusoo aaday, iyadoo in ka badan 10 qof ay ku geeriyoodeen iska hor imaad maanta Baydhabo ku dhexmaray ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwo taabacsan mucaaradka.