4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 19, 2022
Ciidamada dowladda oo howlgal qorsheysan ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose
 

Isniin, December, 19, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliiska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa tuulada Ceel cali oo qiyaas ahaan 15 KM u jirta deegaanka Nambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose ka sameeyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.

Ciidamada Haramcad ayaa la sheegay in howlgalkooda ay ku burburiyeen xarun Maxkamadeed oo ay Shabaab dadka shacabka ah lacago uga qaadi jireen, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay taliyaha ciidanka Haramcad ee fuliyay howlgalkaas Gaashaanle Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada noocaan ah ay sii wadi doonaan ciidamada Haramcad inta laga xureynaayo deegaanada ay ku sugan Ururka Al-shabaab.

Howlgalkaan ayaa imaanaya, iyadoo ciidamada dowladda Soomaalya ay laba jibaareen mudooyinkii dambe howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada gobolada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.