Hiiraan Online
1/15/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Dec 17, 2022
Golaha Midowga Musharixiinta Koonfur Galbeed: Lafta Gareen uma aqoonsanin madaxweyne laga billaabo 19 december
Sabti, December, 17, 2022 (HOL) - Golaha Midowga Musharixiinta Madaxwenaha ee Koonfur Galbeed ayaa kasoo horjeestay warmurtiyeedkii ay soo saareen guddoomiye Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Lafta-gareen, kaasoo ka hadlayay qabsoomida shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.
Golaha Midowga Musharixiinta ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen uu muddo-xileedkiisu dhamaaday, islamarkaasna uusan haysan wax sharciyad ah wixii ka dambeeya 19ka Disember 2022.
Midowga musharaxiintu waxay sheegeen in aanan lagala tashanin war muriyeedka kasoo baxay Aadan Madoobe iyo Lafta Gareen. Waxay kaloo sheegeen inuu fashilmay gogoshii dib-u-heshiisinta ee ay so dhoweeyeen dhamaan ururada bulshada, wax-garadka ka soo jeeda KGS, Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo beesha caalamka.
Waxay ku eedeeyeen madaxweynaha Koonfur Galbeed inuu weli wado cago juglayn ka dhan ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda, iyagoo sheegay inuu u diiday inay kasoo dagaan magaalada Baydhabo.