4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 17, 2022
Ugaaska beesha Dagoodi Waber Cabdille Waber Cabdi oo billadda nabadda lagu guddoonsiiyay magaalada Jigjiga
 

Sabti, December, 17, 2022 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Jigjiga lagu qabtay xaflad si ballaaran loosoo agaasimay oo billad sharafeed lagu guddoonsiinayay Waber Cabdille Waber Cabdi oo ah hoggaamiye dhaqameedka beesha Dagoodi ee degaanka Soomaalida.

Xafladda Waberka lagu guddoonsiinayay billad sharafeedda loogu magac daray billada nabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Xildhibaanno, Ganacsato iyo Odayaal dhaqameed ka kala yimid dhulka ay Soomaalidu degto ee Geeska Afrika.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa billad sharaftan guddoonsiiyay Waber Cabdille Waber Cabdi oo sannadkii 2019 uu u gartay Waberka Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta.

Afhayeen u hadlayay Waber Cabdille Waber Cabdi ayaa sheegay in dib u dhaca xilligaa ku yimid in Waberka la guddoonsiiyo billadan ay ahayd iyadoo la qorshaynayay in xafladda billad guddoonsiinta lagu qabto dowlad degaanka Soomaalida oo uu ku sugnaa Waber Cabdille Waber Cabdi.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo billad sharafeedan guddoonsiiyay Waber Cabdille Waber Cabdi ayaa ku ammaanay sida uu Waberku uga shaqeeyay howlaha nabadda ee degaanka Soomaalida.

Waber Cabdille Waber Cabdi ayaa billadan ku mutaystay inuu yahay Oday dhaqameed nabad gelyo oo muddo badan ka shaqeeyay nabadeynta beelaha uu matalo, sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Waberka Macallin Cumar Macallin.

Beesha Dagoodi oo Waber Cabdille Waber Cabdi u yahay hoggaamiye dhaqameed ayaa dega degaannada Soomaalidu degto ee beriga Afrika.

Waa markii u horreysay ee billad sharafeed noocan oo kale ah la guddoonsiiyo hoggaamiye dhaqameed kamid ah hoggaamiye dhaqameedada Soomaalida.