4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 17, 2022
Dowladda Soomaaliya oo beesha caalamka ka codsatay dhaqaale joogto ah si looga hortago macluusha abaaraha
 

Sabti, December, 17, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay beesha caalamka in la joogteeyo dhaqaalaha lagu bixinayo gurmadka abaaraha iyadoo 8.3 milyan oo qof la filayo in ay soo wajahdo xaalad cunto yaraan bartamaha sanadka 2023-ka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in in ka badan 7 milyan oo qof ay weli u baahan yihiin gargaar cunto, wuxuuna ku booriyay deeq bixiyayaasha in ay si deg deg ah wax uga qabtaan arrintaan.

“Xaaladdu wali waa halis. Afar xilli oo xiriir ah oo roob la’aan ah ayaa sababay abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri warsaxaafadeed uu kasoo saarayo Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku baaqay in mudnaanta la siiyo soo kabashada iyo dhisidda adkeysiga si loo yareeyo bulshooyinka nugul ee ay saameeyeen abaaraha soo noqnoqday.

"Guud ahaan gargaarka bini'aadantinimo ee Soomaaliya lasiiyey tan iyo macluushii 2011-kii waxa uu gaareyaa 5 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, haddana abaaruhu waa soo noqnoqdeen, waxaana weli wajahaynaa khataraha macluusha," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuu tilmaamay in badbaadinta nolosha ay tahay mudnaanta koowaad, balse maalgelinta mustaqbalka fog, ayuu sidoo kale sheegay inay muhiim tahay,

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini'aadantinimada ee OCHA uu Isniintii sheegay in la yareeyay in abaaraha ka jira Soomaaliya isku beddelaan macluula sababtoo ah hay’adaha gargaarka ayuu sheegay inay caawiyeen dadka gargaarka cunto u baahnaa.