1/15/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 16, 2022
Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo beeniyay in la fasaxay Kursiga HOP 086
 

Jimco, December, 16, 2022 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa lagu beeniyay warqad saacadahii lasoo dhaafay si weyn loogu dhex faafinaayay baraha Bulshada, taasoo sheegaysay in guddoomiyaha Baarlamaanka uu sharci ahaan u aqoonsaday doorashada kursiga HOP 086.

Kursigaan HOP 086 ayaa saacadahii lasoo dhaafay si weyn loogu dhex faafiyay baraha bulshada in guddoomiyaha Golaha Shacabka uu si sharci ah u aqoonsaday doorashadii kursiga oo uu kusoo baxay Agaasimahii hore ee Hay'adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, iyadoo natiijada kursiga ay horay u hakiyeen guddigii doorashada ee heer Fedaraal FEIT oo sheegay in doorashada kursigaan aan loo marin habraaci saxda ahaa.

“Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu si cad u beeninayaa Warqad been abuur ah oo lagu baahiyay Baraha Bulshada, taas oo ku saabsan kursiga Hope #086, Shacabka Soomaaliyeed haka digtoonaadaan warqadaha noocan oo kale ah” ayaa lagu  yiri Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha.

Warka kasoo baxay Xafiiska guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale lagu sheegay inay socdaan baaritaano uu sameeynayo Xafiiska guddoomiyaha, islamarkaana cidii Ka dambeysay falkaan lagu faafiyay warqada been abuurka ah lala tiigsan doono sharciga.

Kursigaan HOP 086 oo ay doorashadiisa bilowgii sanadkaan 2022 ka dhacday magaalada Baledweyne ayaa waxaa kusoo baxay Agaasimahii hore ee NISA Fahad Yaasiin, waxaana hakad galiyay natiijada doorashadaas guddiigii doorashada heer Fedaraal ee FEIT, waxaana xusid mudan in sidaan oo kale dhowr jeer oo hore baraha bulshada loogu dhex faafiyay qoraalo sheegayay in kursigaan loo fasaxay Fahad Yaasiin.