4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 26, 2022
Raysal wasaare Xamse "Waxaan rabaa in aadan dagaalka joojina ilaa dalkeena aad ka xoreysaan”
 

Jimco, Agoosto, 26, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaralka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa booqday xerada Lamagalaay oo ku jiraan ciidamo dheeraad ah oo loo diyaariyay ka qeybqaadashada howlgalada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kula dagaalamayaan Al-Shabaabka ku sugan gobolka Hiiraan.

Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay wax ka qabaneyso baahiyaha ay soo gudbiyeen saraakiisha ciidanka dowladda Federaalka ee howlgalada kawada gobolka Hiiraan, isagoona ku bogaadiyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda howgalada ay kula dagaalamayaan Shabaab.

“Waxaa runtii aan Saraakiisha kala balamay Baahiyihiina, u kuurgalkaan kadib waxaa waaye waan la noqoneynaa, Madaxweynaha, aniga, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka waan wada fadhiisan doonaa oo waxaa xoogga saari doonaa wax ka qabashada baahiyaha la ii sheegay maxaa yeelay dagaal ayaad ku jirtaan, waxaan rabaa in aadan dagaalka joojina ilaa dalkeena aad ka xoreysaan” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaare Xamse ayaa Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka kula dardaarmay ineysan joogsan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab inta ay gacanta ugu dhigayaan deegaannada Al-Shabaab ay ka joogaan gobolka Hiiraan.

"Waxaad tihiin geesiyaal sooma jeestayaal ah waxaan idinku bogaadinaya howgalada aad cadawga kaga xoreyseen dhul dhan 150-KM mudo aad u kooban darteed, taasoo muujineysa geesinimadii" ayuu yiri Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Booqashada Raysal wasaaraha Soomaaliya uu shalay Baledweyne ku tagay ayaa imaaneysa kadib markii ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleey mudo ka badan laba bilood ay Al-shabaab kula dagaalamayeen deegaanada u dhaxeysa magaaloyinka Baledweyne, Matabaam iyo Maxaas, islamarkaana ay ku guuleysteen iney Shabaab ka qabsadaan deegaano badan.