4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 25, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo goordhaw gaaray magaalada Baledweyne


Khamiis, Agoosto, 25, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baralamaanka Soomaaliya ayaa goordhaw gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga Raysal wasaare Xamse ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne kusoo dhaweeyay Masuuliyiinta ugu sareysa maamulka Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Baledweyne.

Ujeedka safarka Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ay Maanta ku tageen Baledweyne ayaa lagu sheegay u kuurgelidda xaaladda abaaraha ka jirta deegaanada gobolka iyo dhiirigelinta ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macwiisleey oo Hiiraan kula dagaalamaya Al-shabaab.

Raysal wasaare Xamse iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa iney kulamo kala duwan kula qaataan gudaha Baledweyne madaxda maamulka Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Baledweyne, kuwaas oo uu ka xog wareysan doono xaaladda abaareed ee ka jirta gobolka Hiiraan iyo arrimaha u baahan in wax laga qabto ee muhiimka u ah guud ahaan gobolka Hiiraan.