4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 25, 2022
Golaha fulinta dowlada degaanka Soomaalida oo ansixiyay degmooyin cusub oo ku yaal gobolka Siti
 

Khamiis, Agoosto, 25, 2022 (HOL) - Golaha fulinta ee Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa anisixiyay laba degmo oo ka mid noqon doona gobolka Siti, ee dowlad degaanka Soomaalida.

Degmooyinkan oo lagu magacaabo  Dhuunyar iyo Deymeed ayaa dhaca dhinaca galbeed ee Gobolka Siti, waxayna hirgali doonaan labadan degmo ee cusub marka ay ansixiyaan Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida.

Lama ogaan wali ujeedada ay dowladdu wakhti xaadirkan u samaysay labadan degmo ee cusub, iyadoo la xasuusan yahay in dhibaatooyin badan ay ka jireen muddooyinkii u dambeeyay galbeedka gobolka Siti, oo ay dad badan ku barakaceen colaadda dheeraatay ee u dhaxaysay Soomaalida iyo Canfarta.

Dhawaan ayay ahayd markii Canfartu ay si buuxda ula wareegeen magaalooyinka Garbaciise, Candhuufo, Danlahelay iyo Caddeytu oo uu imbadan dagaal ka socday, iyadoo isla golahan fulinta ee degaanka Soomaalidu uu ahaa golihii burburiyay heshiiskii xukuumaddii hore ay magaalooyinkan ugu hoosgeysay maamulka Canfarta,

Taas oo markii dambe horseeday colaad daba dheeraata iyo dagaalo ay ku dhinteen dad aad u tiro badan, shacab badana ay ku barakaceen, ugu dambeyna dhulkii lagu muransanaa ay si buuxda ula wareegaan Canfartu.

Labadan degmo ee cusub ayay dad badan ka war sugayaan waxa ay ka badasho xaaladda ka jirta galbeedka gobolka Siti.