4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 24, 2022
Shirkii labada maalin u socday Golaha Wasiirrada oo la soo gabagabeeyay
 

Arbaco, Agoosto, 24, 2022 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya , Xamsa Cabdi Barre ayaa galinkii dambe ee maanta soo xiray shir labo maalin u socday Golaha Xukuumadda , kaa oo looga hadlayay si loo dardargaliyo howlaha mudnaanta u leh Qaranka iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee Dawladda.

“Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo xiray Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Wasiirrada ku adkeeyey in ay si daacadnimo leh ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed, horseedna u noqdaan isbeddel muuqda oo ka hana-qaada dalka.” ayaa lagu yiri qoraal uu baahiyay xafiiska oo intaa ku daray “Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xafiiskiisu uu gacan buuxda ku siinayo dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda sida ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda qaran, isagoo kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan xoojinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladnimadooda, taas oo ku imaanaysa xaqiijinta amniga, bixinta adeegyada aas-aasiga ah iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.”

Maalintii labaad ee shirka , ayaa la sheegay in khubaro, aqoonyahanno iyo lataliyeyaal sare ay Golaha u sharaxeen Hannaanka Hab-maamuuska Qaran, dib u eegista Dastuurka, amniga iyo xasillinta dalka, caddaaladda iyo garsoorka, horumarinta Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale, Labadii maalmood ay Golaha Xukuumaddu ku guda jireen Kulan-Wadareedkan waxa ay falanqeyeeyeen howllaha hortabinta u leh xukuumadda, hannaanka wada-shaqeynta hay'adaha dowladda, adkeynta ku dhaqanka xeerarka dalka iyo fahamka Xeer hoosaadka Golaha Wasiirrad, ilaalinta iyo ku dhaqanka habraacyada heshiisyada ay hay’adaha dowladdu la galayaan hay’ada kale, hagaajinta habka xog-wadaagidda hay’adaha Dowladda dhexdooda iyo mideynta xogta lala wadaagayo dadweynaha.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad gaarsiisaan himiladooda, xaqiijisaanna kalsoonidooda, taas oo aan rajaynayo in aan ku guuleysanno. Xafiisku Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka shaqeynayaa xiriirinta, toosinta iyo xoojinta Hay’adaha Dowladda, wixii qabyo ah ka ah hay’adaha dowladda waa inaan qabyo tirnaa, wixii wax u bilaabn yihiin waana inaan dhammeystirnaa oo habeen iyo maalin la shaqeeyaa.” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.