4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 2 , 2022
Xukuumada iyo shirkadaha adeega korontada Somaliland oo heshiis gaadhay

Talaado, Ogosto, 2, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland iyo shirkadaha laydhka, ayaa ku heshiiyay in qiimaha korontada halkii unit lagu iibiyo $0.73, isla markaana aan la jarin korontada habeenkii.

Shirkadaha laydhka, ayaa qoraal ay si wadajir ah usoo saareen 23, 6, 2022 ku sheegay in ay adeega korontada goyn doonaan 11:00PM ilaa 4:00AM habeenkasta marka la gaadho 1 bisha Ogosto, kadib markii ay xukuumadu hor istaagtay go'aan ay ku doonayeen in ay halka unit ee korontada ku iibiyaan $0.84.

Heshiiskan ayaa meesha ka saaraya in la gooyo laydhka saacadaha qaar habeenkii, isla markaana shirkadaha korontada iyo xukuumada, ayaa iskugu yimid qiimo dhexdhexaad ah, iyadoo qolo waliba tanaasul samaysay.

Shirkadaha laydhka ayaa sheegay in anay qiiimaha korontada ku iibin karin qiimihii hore, kadib markii uu kordhay qiimaha shidaalka caalamka oo dhan dagaalka Yukrayn awgii.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]