4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 14, 2022
Xisbiga Waddani oo xukuumada ku eedeeyay in ay xad gudub u gaysatay mudaharaadayaasha
 

Axad, Agoosto, 14, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa xukuumada ku eedeeyay in ay maalintii mudaharaadka khadka internetka u jartay si ay dadka u layso.

Guddoomiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa xukuumada ku eedeeyay in ay isgaadhsiinta goysay si ay dadka u layso, oo ay waxay doonto u samayso, lakiinse dadku ka falceliyeen oo ay waxkasta duubeen.

"Waxad arkayseen in  internetkii la jaray markii ugu horaysay, in la gooyo isgaadhsiinta waligeed may dhicin, waxay u muuqatay in inta laydhka loo dansado in wixii la doono la sameeyo, lakiinse dadka reer Somaliland ee soo jeeda ayaa ka falceliyay oo dhacdo walba duubay" ayuu yidhi Xirsi.

Waxa uu sheegay in booliisku ay dadka ku laynayeen dhulkii ay xukuumadu u cayintay xisbiyada mucaaradka in ay ku qabsadaan mudaharaadka Somaliland.

"Waxa lagu laayay dadka  ama lagu dhaawacay 200 oo mitir, waa xafiiskan aynu joogno iyo hareerihiisa, waxa la yaableh waa xafiiskii ay yidhaahdeen waanu ogolaanay" ayuu yidhi Xirsi.

Xirsi ayaa sheegay in ay guddi u saareen urrurinta tacadiyada ay booliisku gaysteen intii uu mudaharaadku socday, waxaanu ku goodiyay in ay sharciga horgayn doonaan cidkasta oo ay ku cadaato in ay qayb ka ahayd tacadiyada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]