1/19/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2022
Madaxweyne Farmaajo oo ka hor yimid go'aankii uu Raysal Wasaare Rooble dalka uga saaray wakiilka Midowga Afrika

Khamiis, April, 7, 2022 (HOL) -  Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor yimid go’aan uu xalay raysal wasaare Rooble dalka uga saaray wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madiera,  kaas oo lagu eedeeyay inuu faraha kula jiray arrimaha ka baxsan waajibaadka howlgalka midowga Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay go’aan kasta oo taabanaya xiriirka Soomaaliya  ee joogitaanka Safiirada shisheeye ee dalka, uu yahay mid u baahan in lagu saleeyo danta qaranka, kuna timaadda wadatashi.

“Ma jiro ogolaansho uu bixiyay Madaxweynaha Jahuuriyadda oo tallaabo looga qaadayo Danjire Madeira, mana jirto warbixin ay soo gudbisay Wasaaradda Arimaha Dibadda oo tilmaamaysa inuu ku kacay ficillo ka hor imaanaya madaxbannaanida dalka,” ayuu yiri Farmaajo oo warsaxaafadeed soo saaray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray wasaaradda arrimaha dibadda inay gaarsiiso Midowga Afrika in go’aanka raysal wasaaraha uu yahay mid aysan u dhammayn Dowladda Federaalka, kana soo baxay xafiis aanan lahayn awood uu kaligiis ku gaaro go’aan culeyskaas leh, sida madaxtooyada sheegtay.

“Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalkeenna waa mid sal adag oo aan ku dhisnayn caadifad, abaal dhac iyo dano gaar ah, Soomaaliyana waxa ay kamid tahay asaaseyaasha Midowga Afrika oo hawlgalka Soomaaliya ku bixiyay dhiig iyo waqti aysan shacabka Soomaaliyeed ilaawi doonin,' ayuu madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo wuxuu ka digay tallaabooyin uu sheegay inaysan ka fiirsi lahayn, kuwaas oo carqaladayn kara amniga doorashooyinka iyo habsami u socodka hannaanka lagu dhammeystirayo, lagana fogaado wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online