4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 27, 2022
42 Dhallinyaro Soomaali tahriibayaal oo xabsiga Zambia laga soo sii daayay

Arbaco, April, 27, 2022 (HOL) - Tahriibayaal Soomaali ah oo dhammaantood ahaa dhallinyarado, kuna xirnaa dalka Zambiya, ayaa xabsiyada laga sii daayay, kaddib dadaalo ay sameeyeen jaaliyadda iyo safaarada Soomaalidda ee dalkaasi.

Dhallinyaradan ayaa u socday dalka Koonfur-Afrika.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalidda ee dalka Zambia Maxamuud Maxamed oo magac dheer Hiiraan oo u warramayay HOL ayaa sheegay in dhallinyarada la sii daayay oo gaaraya 42 oo ay kamid yihiin labo dumar ah.

Jaaliyadda iyo safaaradda Soomaalidda ee dalka Zambia ayaa iska kaashaday dadaaladii lagu sii daayay dhallinyaradaas, sida uu sheegay guddoomiyaha, isagoo intaa raaciyay in guud ahaan dhallinyarada la xiray ay ahaayeen 100, balse hadda lagu guuleystay sii deynta 42 kamid, halka sidoo kale ay socdaan dedaalo lagu sii deynayo dhallinyarada kale.


Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia Mudane Mohamud Mohamed oo loo yaqaano Hiiraan


“Dad aan xil kas aheyn ayaa dhallinyarada ka qaatay lacago, kaddib ka dhuunta marka ay soo geliyaan safar. Dhallinyarada waxaa ku jira kuwo da’ yar oo khatar soo geliyay nafsadooda”, ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhinaca kale waalidiinta ayuu ugu baaqay in carruurtooda aysan u oggolaanin safarka halista badan ee tahriibka. Dhallinyaradan ayaa la sheegay in dib loogu celin doono xuduuda waddamada Zambia iyo Tanzania.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalidda dalka Zambia Mohamud Mohamed (Hiiraan) ayaa ugu dambeyn xusay in inta badan ay la kulmaan tahriibayaal xaalad adag kala kulma safarka ay usoo galayaan dalka Koonfur-Afrika.

Omar Kiyow
Johannesburg