4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 25, 2022
Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyada qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho
 

Isniin, April, 25, 2022 (HOL) - Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qarax miino oo barqanimadii Maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala eegtay gaari uu saarnaa Sarkaal ka tirsan Militariga Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku shaaciyeen in qaraxa miino ay la beegsadeen gaariga uu saarnaa Jenaraal Maxamed Xaashi Guuleed ayna ku dileen afar askari oo ilaalo u aheyd, islamarkaana uu dhaawac xoogan kasoo gaaray qaraxaasi Jenaraalka Maxamed Xaashi.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Maanta wadada laamiga ah ee xariirisa Isgoysyada Banaadir iyo Digfeer ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana wararka madaxa banaan oo la xaqiijiyay ay sheegayaan in qaraxa ay ku dhinteen tiro ahaan ad gaaraya 7 ruux oo isugu jira askar iyo dad shacab ah.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa miino ee Maanta lala beegsaday gaariga uu saarnaa Jenaraal Maxamed Xaashi Guuleed ee uu dhaawaca kasoo gaaray, islamarkaana qaar ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhinteen.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah oo ay u adeegsadaan qaraxyada miino la bartilmaameedsada gadiidka ay la socdaan Saraakiisha ciidanka iyo Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online