4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 24, 2022
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka oo shaaciyay Goobta lagu qabanaayo Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka
 

Axad, April, 24, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay iney soo gabagabeeyeen qorshayaashii doorashada guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya

Guddoomiye Cabdirisaaq Cumar oo warbaahinta hadal kooban siiyay ayaa sheegay in Maanta ay usoo gabagabowday hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan tartanka guddoonka Golaha Shacabka iyo labadiisa  ku xigeen, islamarkaana laba maalin oo nasiino ah kadib doorashada ay dhici doonto maalinta Arbacada ah.

Waxuu intaa ku daray guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka in doorashada guddoonka iyo ku xigeenadiisa ay ka dhici doonto Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

"Waxaa rabaa in shacabka Soomaaliyeed aan la wadaago in aad soo dhameystirnay howshii naloo idmaday intooba badan, waxa kaliya ee hadda inoo haray ay tahay doorashada ayna socoto diyaar garoowgeeda, waxaana doorashada ay ka dhici doonta Afisyooni sababo la xariira adka kasoo qeyb galaya doorashada oo baan iyo sababo kale oo la xariira dhanka amniga ayaa Villa Hargeysa aysan doorashada uga dhici karin, waxayna doorashada dhici doonta maalinta Arbacada ee 27-ka bishaan Apriil” ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq Cumar.

Doorashada guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maalinta Arbacada ah ee soo socota ay ka qabsoonto magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, waxaana Muqdisho si weyn looga dhex daremaya olalaha ku aadan doorashada guddoonka Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online