4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 23, 2022
Barlamaanka Soomaaliya oo maanta dhegaysanaya hadal jeedinta musharraxiinta guddoomiyaha barlamaanka
 

Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Xildhibaanada labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sabti ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho, waxayna dhageysanayaan hadal jeedinta musharaxiinta guddoonka labada ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada guddoonka golaha Shacabka ayaa shalay oo jimco ahayd ku dhawaaqay in la soo xeray diiwaan galinta musharaxiinta u tartameysa xilka guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Prof. Maxamed Xuseen Haadi oo xubin ka ah guddiga gaar ahaan qeybta diiwaan galinta ayaa sheegay in maanta oo sabti ah hadal jeedinta doonaan musharaxiinta guddoomiyaha golaha shacabka halka beri oo axad ah ay ku xigi doonaan musharaxiinta u taagan gudddoomiye ku-xigeenada.

Doorashada guddoonka barlamaanka ayaa lagu wadaa inay dhacdo 27 ka bishaan Abril, halka tan Aqalka sare aay dhici doonto 26 ka bishaan Abril, si uu dalku u yeesho barlamaan rasmi ah oo diyaariya doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Siddeed musharrax ayaa isku diiwaan galiyay doorashada guddoomiyaha barlamaanka, sidoo kale 10 musharrax ayaa isku diiwaan galiyay ku xigeenka koowaad, halka 7 kalena ay isku sharraxeen guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online