4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2022
Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay jadwalka doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka
 

Khamiis, April, 21, 2022 (HOL) - Guddiga Hirgelinta doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay jadwalka doorashada kursiga HOP 009 oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee ku dhiman maamulka Hirshabeelle.

Guddiga ayaa sheegay in diiwaan gelinta Musharaxiinta kursigaan ay bilaabaneyso 22-ka bishaan oo ku beegan maalinta berito ah, islamarkaana doorashadiisa ay dhici doonto 23-ka bishaan oo ah maalinta Sabtiga ee ina soo aadan.

Maamulka Hirshabeelle waxaa ku harsan doorashada sadax kursi marka laga reebo doorashada kursigan HOP 009 oo ay shaaciyeen guddiga qabashada doorashadiisa iney dhaceyso Sabtiga soo socda.

Waxaa sidoo kale kuraas ka mid ah Golaha Shacabka doorashadooda ay ku dhiman tahay maamulka Jubbaland kuraas gaareysa 16 kursi, kuwaas oo Xalay shaaciyay jadwalka magacyada ergada soo xulaysa 7 ka mid ah 16-ka kursi ee doorashadoodu loo wareejiyay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Hoos ka akhriso jadwalka guddiga uu shaaciyay:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online