4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 17, 2022
Xisbiga Waddani: Madaxweyhuhu raaligalin haka bixiyo hadalka taliye Dabagale
 

Axad, April, 17, 2022 (HOL) -  Xisbiga Waddani ayaa hanjabaadii uu xildhibaan Maxamed Abiib sheegay in uu kala kulmay taliyaha booliiska Somaliland, ku tilmaamay meel ka dhac, isagoo madaxweynaha ugu baaqay in uu raaligalin ka bixiyo.

Xogeeyaha Arrimaha Guddaha ee Xisbiga Waddani Maxamed Faarax Cabdi, ayaa hadalka taliyaha booliiska ku tilmaamay gaf iyo foolxumo, isaga oo sheegay in ay nusqaan wayn ku tahay Somaliland.

"Shalay naxdiin wayn ayaa dhacday, ninkii hadlayay ee xildhibaan Maxamed Abiib, xildhibaan qaran weeyi, waa nin qaranka uga masuula sharci dajinta, waa nin shacab ay soo doorteen...marka uu xildhibaankii masuulkii booliska ugu sareeyay uu kaga cowdo in uu yahay cadowga Somaliland, runtii arrinkaasi nusqaan wayn, foolxumo wayn, ayay dalka ku noqotay" ayuu yidhi Maxamed.

Xogeeyaha ayaa sheegay in hadalka la sheegay in taliyuhu yidhi uu gaf ku yahay umada Somaliland "Eraygaasi kumuu dhicin Maxamed Abiib oo kali ah, marka hore shacabka Somaliland oo dhan ayuu ku wada dhacay, marka labaadna wuxuu ku dhacay gobolka Awdal iyo shacabkii soo doortay xildhibaan Maxamed Abiib".

Xogeeyaha ayaa madaxweynaha usoo jeediyay in uu raaligalin ka bixiyo hadalka taliyaha "Shacabka reer Awdal waxay uga fadhiyaan madaxweynaha taliyihii usoo magacaabay gafka uu kula kacay xildhibaan koodii in uu raali galin buuxda ka siiyo".

Xildhibaan Maxamed Abiib oo laga soo doorto gobolka Awdal, ayaa Sabtidii sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, uu ugu hanjabay in uu waxyeelayn doono, isla markaana uu ku tilmaamay cadowga Somaliland.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online