Booliska Ingiriiska oo markii ugu horeysay taariikhda dalkaasi talaabo sharci ka qaaday raysalwasaaraha UK Boris Johnson
Arbaco, April, 13, 2022 (HOL) - Booliiska Ingriiska ee
Metropolitan Police ayaa ganaaxay raysalwasaaraha UK Boris Johnson
iyo wasiirkiisa maaliyadda Rishi Sunak kadib markii ay jabiyeen shuruucdii xanibaada ay isla dowladdiisa soo rogtay xanuunka COVID-19 awgiis. Xafladaha lagu eedeeyay inay ka qeybgaleen raysalwasaaraha iyo Wasiirkiisa maaliyadda ayaa la qabtay xilligii ay jirtay
xayiraada COVID-19 kuwaas oo la sheegay inay ka dhaceen xarumaha looga arrimiyo dowladda UK ee loo yaqaano
Number 10 Downing Street iyo Whitehall sannadihii 2020-kii iyo 2021.
Intii ay jirtay
xanibaada COVID-19, muwadiniinteeda UK looma ogoleyn inay ka baxaan
guryahooda ama iney isbooqdaan, marka kale laga reebo iney soo dukaameysan karaan.
Sida ay qortay warbaahinta UK, Boris Johnson ayaa
noqonaya rasulwasaarihii ugu horeeyay UK oo isagoo wali xilka haya lagu helo xadgudub
dhanka sharciga ah isla markaasna la ganaaxo. Ma jiro hogaamiye ka soo taliyey wadanka Ingiriiska oo taariikhda
lagu helay inay jabiyeen isla sharcigii ay sameyeen.
Boris
Johnson ayaa qirtay in uu "ku dhacay" fullinta shuruucdii uu isaga
iyo dowladiisu ay ku amreen muwaadiniinta UK inay u hogaansamaan, isagoo caddeeyay
inuu aqbalay go’aanka booliiska ay ku ganaxeen isaga iyo tiro kale oo ka tirsan
dowladiisa.
Raysalwasaaraha
UK ayaa marar badan iska diiday inuu ka qeybgalay wax xafladdo ah xilligii ay ay jireen
xayiraadda COVID-19. Waxaa suurtagal ah in ganaaxyo kale ay booliiska ku soo
rogaan, madaama ay jiraan xafladdo kale oo ay suurtagal tahay inuu raysalwasaaruhu
ka qeybgalay xilligii ay sharci darro ahayd in la qabto isku imaatin nuucaas oo
kale ah ayay yiraahdeen siyasiinta UK oo dhacdadan ka hadlay. Dadka la ganaaxay waxaa sidoo kale ka mid ah xaaska raysalwasaraaha Ingiriiska Carrie Johnson.
Xisbiyada
mucaaradka ayaa isla markiiba dareenkooda ka muujiyey ganaaxa ay booliiska
UK ku rideen raysalwasaare Boris Johnson, iyagoo ku cambareeyay inuu marin
habaabiyey shacabka oo uu ku soo rogay shuruuc aanay dowladiisa iyo isaguba ku
dhaqmin.
Urur
ay ku mideysanyihiin ehelada dadkii u geeriyooday cudurka COVID-19 ayaa sheegay in
aysan jirin sabab uu raysalwasaaraha ama wasiirkiisa maaliyada ay shaqadooda
ugu sii wadan karaan iyagoo ku tilmaamay ficilladooda "kuwo aan xishood
lahayn".
Xubnaha
Barlamaanka UK oo hadda fasax ku maqan ayay xisbiyada mucaaradku ku baaqeen
in si degdeg ah fasaxa uga soo noqdaan si ayay yiraahdeen xildhibaanadu su’aalo
u weydiiyaan raysalwasaare Boris Johnson, iyagoo ugu baaqeen inuu si degdeg ah isku casilo.
Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah
ee Shaqaalaha, Keir Starmer ayaa sidoo kale si adag ugu soo jeediyay xubnaha la ganaaxay
ee raysalwasaaraha iyo wasiirka maaliyadu ka midyihiin inay xilka baneyaan.
Ma cada in ganaaxa la duldhigay raysalwasaaraha UK iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, gaar ahaan wasiirkiisa maaliyadda ay horseedi doonto inay iscasilaan iyo in kale, balse waxaa muuqata culeyska uu ganaaxa booliiska durbadiiba saaray mustaqbalkooda siyaasadeed.
Hiiraan online news desk