Khilaaf xooggan oo ka taagan safaarada Soomaaliya ee magaalada Roma ee Talyaaniga
Axad, April, 10, 2022 (HOL) - Khilaaf xooggan iyo buuq ayaa ka taagan safaarada Soomaaliya
ee magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, kaddib markii wasaarada arrimaha dibadda
Soomaaliya ay u yeertay safiirka safaarada Cabdiraxmaan Sheekh Ciise.
Wasaarada ayaa sidoo kale magacawday ku sime cusub oo
wada shaqadda, balse safiirka ayaa ka horyimid go’aanka wasaarada, isagoona
ku dooday in ku simaha cusub ee lasoo magacaabayo uu noqdo qof ka shaqeynayay safaarada.
“Mar kasta oo aan aado fasax waxaa shaqadda safaarada sii
maamuli jiray ku sime ka shaqeeya safaarada, haddana haddii lasoo magacaabayo
ku sime cusub waa in uu noqdaa qof ka shaqeynayay safaarada”, ayaa laga soo
xigtay Danjire Cabdiraxmaan Sheekh Ciise.
Ku simaha cusub oo lagu magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Sheekh
Nuur iyo labo xubnood oo la socday ayaa galay dhismaha safaarada, kaddibna
waxaa ay diideen in safiirka iyo xubno kamid ah shaqaallaha ay soo galaan
dhismaha safaarada.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in saddexda xubnood ay ku dhex
jiraan gudaha safaarada, balse Danjire Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, ayaa rajeynaya
maalinta talaadada ah in uu ugu yeero ciidanka dowladda Talyaani si ay usoo
fara-geliyaan arinta.
War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya
ayaa lagu sheegay in Danjire Cabdiraxmaan Sheekh Iise loogu yeeray wadatashi,
halka wasaarada ay ka codsatay dhigeeda dalka Talyaani in Axmed Cabdiraxmaan
Sheekh Nuur oo ah ku simaha cusub loo fududeeyo wax kasta oo uu u baahanyahay
si uu u guto waajibaadkiisa shaqo ee safaraada Soomaalidda ee magaalada Rome.
Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]