4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 9 , 2021
Xogeeyaha xisbiga Waddani "Safiirka Ingriiiska ee Soomaaliya uunba inagana ina matala"
 

Khamiis, September, 9, 2021 (HOL) - Xogeeyaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa guddoomiye Cirro ka difaacay eedaha xukuumada iyo xisbiga UCID ee ah in uu isticmaalay erayga "waxan la kulmay ergayga wadahadalada iyo dib u heshiisiinta ee Somaliland iyo Soomaaliya".

Xogeeyaha ayaa sheegay in gabadha ergayga ahi ay mansabka dib u heshiisiinta wadatay isla markaana aan laga been sheegi karin.

"Todobaadkan waxa waddan keena soo booqatay gabadh reer Norway ah, oo ah ergayga khaas ka ah ee Norway ee Soomaaliya, gabadhaasi waxay ka tirsan tahay qaybta nabada iyo dib u heshiisiinta ee dowlada Norway, mansabkaa inla sheega ceebna maaha danbina maaha" ayuu yidhi xogeeyuhu.

"Anagu gabadha manaan casuumin, umananaan yeedhin, waddan kana waxay timid iyadoo mansabka sidata, su'aasha iswaydiinta mudani waxay tahay madaama oo Soomaaliya dal kale tahay, oo aynaan wax shuqul ah isku lahayn, gabadh sitada in ay tahay ergayga Soomaaliya maxay inaga inoogu timid?" ayuu hadal kiisa ku daray.

Xogeeyaha ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal aan la aqoonsanayn oo wali aqoonsi raadinaya isla markaana anay jirin safiiro gaar ah oo loo soo magacaabo marka laga reebo safiirada Soomaaliya adduunku usoo magacaabo oo xukuumadu mansab kooda ka been sheegto.

"Safiirka Ingriiiska ee Soomaaliya uunba inagana ina matala, waayo wili dal la aqoonsanyahay ma nihin, waxaynu nahay waddan doonaya in la aqoonsado, sidaas ayay wali adduunka marka la joogo ay inoogu soo magacaabayaan safiirada Soomaaliya" ayuu yidhi xogeeyuhu.

Guddomiye Cirro oo ka faaloonayay kulan uu la yeeshay ergay dowlada Norway u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in uu la kulmay ergayga dowlada Norway u qaabilsan wada-hadalada iyo dib u heshiisiinta Somaliland iyo Soomaaliya, kadibna xukuumada Somaliland iyo xisbiga UCID ayaa guddoomiyaha ku eedeyay in uu ku xad gudbay qaranimada Somaliland.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]